Masuuliyinta Isbahaysiga Nabada Soomaaliyeed ayaa maanta xaruntooda magaalada Muqdisho ku qabtay shir saxaafadeed kaasoo ay uga soo horjeesteen heshiiskii maalintii shalay ay ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya madaxweynayaasha Kenya, Somalia iyo Ugandha kaasoo dhigayey in meel looga soo wada jeesto si wadajir ahna loola dagaalamo Xarakada A-shabaab, iyadoo isbaheysigu uu sheegay in ujeedada Kenya aysan aheyn la dagaaalanka Al-shabaab. War saxaafadeed ka soo baxay kulankaas ayaa waxaa warbaahinta u aqriyey Dr. C/llaahi Shiikh Daahir oo ah gudoomiye ku-xigeenka isbaheysiga nabada soomaaliyeed waxaana uu u qornaa war saxaafadeedka sidatan:- War saxaafadeed Markii uu isbahaysigu si dhab ah u qiimeeyay xaalada amniga iyo siyaasada markii uu arkay faragelinta milateri ee dowlada Kenya ku sameysay cir, dhul iyo bad kuna xasuuqday dad aan waxba galabsan oo qaxooti ah magaalada Jilib horaantii bishaan aan u ku jirno. uguna hanjabtay shacabka Soomaaliyeed meel ey joogaanba iney duqeyn doonto gaar ahaan koonfurta Soomaaliya,markii uu arkay karti darida hogaanka sare ee Dowlada Soomaaliya, markii uu arkay in danahooda gaarka ah hadba maalintaas meesha ey ka arkaan uu mabda'oodi noqday . Markii uu arkay in caaydi iyo aflagaadadii shaqsiyaad huwan calanka kenya kana tirsan dowlada kenya ay u gaysteen madaxeynaha Soomaaliya oo huwan sharaftii qaranka Soomaaliya, markii uu arkay iyadoo aan raali gelin rasmi ah laga siin aflagaadadii u dhigantay in qaranka Soomaaliyeed la
...