www.heegantv.com Haraad lyrics: Shamso Food. -Sidii hogol roob Jaceyl i helyoo, Hurdaduu iga jarey habeen ma ladee Hanaan wacanoo horyaalkii raggoow, Nafteyda ka heshoo ma kaa harayee. Biyo harac-laan haraad u dhintee, hadaanan ku helin hog baan galiyoo, Habaaska iyo ciidda la igu habsii Hussein Shire. -Anoo hamigeyga haween ka baxshaa, markaan ku haqsadey haw la igu yiree. Hablihii hore baad habkood u egtahoo, Alla ku hibeeyey hidda dhaxashee, Biyo harac laan haraad u dhintee, hadaanan ku helin hog baan galiyoo, Habaaska iyo ciidda la igu habsii. Shamso Food. -Hirba isidoo habaabka cidlee, waxaan hinqadaa markaad hadashee, Halboylaha dhiika muu habayoo, waxaan harsadaa markaan ku helee, Biyo harac laan haraad u dhintee, hadaanan ku helin hog baan galiyoo, Habaaska iyo ciidda la igu habsii. Hussein Shire. -Sidii ilmo hooyadii ka tagtoo horaadka ay siinin baan hinqadee hawaawirayoo huq baa idishoo hadaadan hab isiin ma hiil baxayee Biyo harac laan haraad u dhintee, hadaanan ku helin hog baan galiyoo, Habaaska iyo ciidda la igu habsii Both. (Hussein iyo Shamso) Biyo harac laan haraad u dhintee, hadaanan ku helin hog baan galiyoo, Habaaska iyo ciidda la igu habsii.