Official Video for "Wax Barasho" Mohamed Yare featuring Ilkacase, Erayada & Laxanka Salah Donyale, Produced, Directed, Camera by Brakhad Abdi aka "Halloween" Ciyaalka Xaafada Records Edited by Brett Morse-Karzen and Barb Goldberg www.piraje.com follow me on Twitter@ Rageedii_Ent add CIYAALKA XAAFADA page on Facebook Lyrics.. Mohamed Yare Qalinkiyo buugaa Baahida looga baxaaye Bulshayahey aqoontiyo Ku dadaala waxbarashada +++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++ IlkaCase.. Baldayoo eegoo Taariikhda Baara Burburkii dhulkeeniyo Sagaashankii ka beegso Imisaa badownimo Bilaash loo xasuuqey Imisaa boobiyo faal Beebee la mariyey Intee baydadoo qaxey Usoo baxay banaanada Qurbaha ku baylahay Intee baraflaayoo Boogweyn ku reebey Googooyey beerkoo Biyo galiyey feeraha Baaskiyo masiibadiyo Baaba'a Soomaali Waxaa dhaliyey burburka Ogow waa badownimo Mohamed Yare Qalinkiyo buugaa Baahida looga baxaaye Bulshayahey aqoontiyo Ku dadaala waxbarashada IlkaCase Barashada cilmiga waa Hanti aanan baabiin Nimciyo barwaaqiyo Biyo weeye aan gurin Bilistiyo ragoo idil Barbaariyo caruuryey Garashada bisleeyoo Baandheeya cilmiga Runta yaan la baalmarin Loo bogin waxyeeloo Jaahilnimo loo badan Balanteenu waxay tahay Baadi doon aqooneed Baladkiyo miigiyo Beyad walba geeya Cirka baaxadaliyo Buuraha dushooda Bada nimanka dagay iyo Beegsada asaagiin