Wadooyinka xaafada Islii ay Soomaalida ku badanatahay ee magalada Nairobi ayaa waxaa ku dhibaataysan Haween iyo Caruur farabadan oo Soomaali ah. Tiro Caruur Soomaaliya ayaa hooygoodu yahay maqaahiyo iyo buushash ka samaysan hareera wadooyinka xaafadaha Islii ee magaalada Nairobi, hase ahaatee Jawiga magaalada Nairobi ayaa ah mid aad u qaboow oo dadka dhamaani ay wataan Jaakato xataa hadii ay qorax jirto iyada oo laga cabsi qabo roobab xoogan oo xili waliba imaan kara, taasina waxay dhib iyo murugo ku tahay caruurta Soomaalida ee hooygoodu yahay wadooyinka.RG